Wajigii 2aad Ee Dib U Eegista Manhajka Dawliga ah Ee Dalka Oo ka Furmey Hargeysa

Hargeysa (RH):-Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta  magaalada Hargeysa ku qabatay wajigii 2aad ee dib u eegista manhajka dawliga ah iyo shirka la tashiga daneeyayaasha waxbarashada aasaasiga ee dalka

Shirkan oo ku saabsan dib u eegista Manhajka Qaranka ayaa ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaas oo ay ka soo qayb galeen gobollada Maroodijeex, Saaxil iyo Hawd, halka furitaankiisana lagu qabtay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal,  oo ay kaga soo qayb galeen gobollada Awdal, Sellel iyo Gabiley.

 

Waxaana munaasibadii loo qabtay gorfaynta dib u eegista man hajka dawliga ah iyo shirka la tashiga daneeyayaasha  hadalo kala duwan ka jeediyay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Cabdixakiin Siciid Muuse, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Cabdirisaaq Jaamac Nuur iyo agaasimaha waaxda Manaahiijta wasaaraddaasi Maxamed Cali Cumar, iyaga oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la helo manhaj tayo leh oo wax weyn ka baddela geedi socodka waxbarasho ee dalka Somaliland.

Category