Wararkii ugu dambeeyay doorashada dowlad deeganka Soomaalida

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga iyo guud ahaan 11-ka gobol ee ku yaalla dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya waxaa si habsami leh uga socota doorashada guud.

Dadweynaha ayaa saaka safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta si ay codadkooda uga dhiibtaan doorashada isku sitkan ee baarlamaanka heer federaal iyo golayaasha deeganka.

Doorashadan waa tii lixaad ee deeganka Soomaalida Itoobiya ka dhacda.

Doorashadan waa mid isku sitkan, waxaana la dooranayaan kuraasta heer deegan iyo kuwa heer federaal.

Doorashada ayaa si isku mid ah uga billaabatay 93-da degmo ee deeganka Soomaalida iyo lixda ismaamul magaalo.

Dadweyne safaf ugu jira goobaha doorashada Jigjiga

Doorashada ayaa si weyn loogu soo baxay, waxaana la arkayay dadweyne aad u fara badan oo safaf ugu jira goobaha cobixinta.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada ay ka qeybgalayaan ilaa shan minlyan oo qof.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobaha doorashada ay ka socoto.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in illaa hadda aaney jirin goob ka mid ah 11 gobol ee dowlad deeganka Soomaalida oo aaney ka dhicin doorasho.

Magaalooyinka waaweyn

Magaalooyinka waaweyn ee deeganka sida Qabridahar, Qabribayax, Godey,Dhagabuur iyo Wajaale ayaa si rasmi ah looga dareeray codbixinta.

Ammaanka goobaha doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana tan iyo xaley magaalooyinka doorashada lagu arkayay ciidamo ammaanka sugaya.

Madaxweyne Cagjar

Madaxweyne Mustafe Muxumad Cagjar oo ka codeenayay xarunta gobolka Jarar ee Dhagaxbuur ayaa sheegay in uu ku faraxsan qaabka illaa hadda doorashada u socoto, waxaana uu ballan qaaday in ay la fadhiisan doonaan cid kasta oo saluugsan maamulkiisa.

Sidoo kale, wasiirka xafiiska madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida, Xasan Maxamed Xuseen ayaa saxaafadda kula hadlay magaalada Jigjiga, waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin xisbi ahaan haddii laga guuleysto in ay xilka ku wareejiyaan xisbiga ku guuleysta doorashada, taasoo ah mid ugub ku ah deeganka oo horrey u dhicin una hambalyeeyaan kooxda ka guuleysata.

Radio Hormuud

Studio 3

Jigjiga Itoobiya

Category