Xiisada ka dhallatey isdiidooyinka xisbiga Wadani iyo xukuumada SL

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeisa ee  Somaliland waxaa ay sheegayaan in xarunta xisbiga Wadani ay isugu soo baxeen dad aan badneyn, halkaas na uu kula hadlay Cabdiraxmaan Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa dadkii halkaas isugu soo baxay u sheegay in nabadgelyada ay ilaaliyaan, "sharci ku tumashadana aanay aqbalin".

Hogaamiyaha xisbiga Wadani ayaa mudo kooban halkaas kula hadlay taageerayaahsa xisbigiisa, waxaana sidoo kale halkaas ku sugnaa ciidamo boolis ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii hogaamiyaha xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro uu shalay ku dhawaaqay in tagaeerayaasha xisbiga ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga uu ku leeyahay Hargeisa, arrintaas oo ay ka digeen laamaha ammaanka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ujeedada isu soo baxa ku sheegay in ay doonayaan in uu soo bandhigo farriin muhiim ah oo uu sheegay in "qaranka lagu badbaadinayo".

"Waxaa inoo cadaatay in Muuse (Madaxweynaha Somaliland) uu hayo muran iyo garnaqsi aan dhamaad lahayn, haddii kaalintooda ay gabeen goleyaasha Qaranka oo hawshan lahaa, maanta talada waxay u taalaa waxgaradka ummadaa, sida odayaasha dhaqanka, culliimaa'udiinka, ururada bulshada, abwaanada, sharciyaqaanada, saxaafadda iyo aqoonyahanada in ay isu tagaan, si ay u badbaadiyaan qaranimada, waana in la isugu yimaado madal Qaran", ayuu Hargeisa ka yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Hasayeeshee hadalkaas waxaa ku gacan seeray taliyaha booliska ee Somaliland oo sheegay in aysan jiri doonin wax bannaanbax oo lagu qaban karo Magaalada Hargeisa.

"Mudaharaadku sharci buu leeyahay, sharci wax aan waafaqsaneynna yeeli meyno, sababto ah dadkuu wuu wanaasagn yahay, laakin in xun baa dhex socota, yeeli meyno in dhibaato halkaas ka timaado", ayuu yiir taliyaha booliska ee Somaliland.

Sacaado kadib hadalka taliyaha, laamaha ammaanka ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afhayeenka xisbiga Wadani, Barkhad Jaamac iyo xoghayaha xisbiga, Khadar Xusseen Cabdi.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo mucaaradka ayaa maalmihii dambe hawada isu marinayay hadalo kulkul, oo ku saabsan gudidga doorashooyinka oo uu dhawaan ansixiyay barlamaanka Somaliland, inkastoo xubnahaasa uu ka maqnaa xubinkii xisbiga Wadani uu keensan lahaa.

Xisbiga Wadan ayaa sheegay in labada xubnood ee uu soo xulay Madaxweynaha ay yihiin sharci darro, oo mid uusan waafaqasaneyn sharciga, midna uu baalmarsan yahay heshiiskii ay gaareen.

Mid kamid ah xubnaha ayay shegeen in uu horay uga tirsanaa guddigii hore ee doorashada oo ay shegeen in aysan wax kalsooni ah ku qabin, halka qofka kalena uu yahay qof ka tirsan xisbiga Kulmiye, oo uusan qeyb ka noqon karin guddiga doorashooyinka.

 

Category