nin Soomaali ah oo 'sharciga xaaskiisa' dal Yurub kamid ah ku geliyay gabar wariye ah

RH: Ninkan Soomaali ah ayaa la xiray kadib markii lagu helay dambi ah in gabar wariye ah oo kasoo carartay Soomaaliya uu ku geliyo dalka Ireland isaga oo isticmaalaya sharci qaldan.

Gabadha ayaa markii la qabtay sheegtay in dalkeeda oo aan ammaan ahayn awgiis ay isaga soo carartay, sidaasna ay isku arkeen ninkan oo tahriibinayay.

Ninka lagu helay isaga oo si sharci darro ah kusoo gelinaya gabadha dalka Ireland ayaa xabsiga ku jiray muddo 18 bilood ah.

Ninka oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cumar oo 31 jir ah ayey maxkamaddu u sheegtay in uusan helin wax lacag ah markii uu gabadha wariyaha ah siiyay kaarka aqoonsiga ee Sweden ee ay lahayd xaaskiisa si uu uga caawiyo gelitaanka dalka.

Cabdiqaadir ayaa xilliga uu gabadha wariyaha ah soo gelinayay dalka waxa ay kasoo kicitimeen magaalada Madrid ee dalka Spain sida ay Maxkamadda Dembiyada ee Dublin sheegtay xilli kiiskiisa la dhageysanayay.

Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Dublin ayaa ogaaday in haweeneyda wejigeedu uusan la mid ahayn sawirka kaarka ku dheggen, waxaana markii la baaray boorsadeeda la helay dukumeentigeeda aqoonsiga. Haweeneyda ayaa markaas dhiibatay codsi ah in aan dib loo celin, waxaana magangelyo laga siiyay Ireland, sida ay maxkamaddu sheegtay.

abdiqaadir oo ciwaan deganaasho ah ku leh magaalada Sandesslatt ee dalka Sweden, ayaa qirtay hal danbi oo ah in qof uu tahriib kusoo geliyay garoonka diyaaradaha ee Dublin 3-dii November ee la soo dhaafay. Waxa hore loogu xukumay qaar ka mid ah dembiyada waddooyinka yar yar, waxaana sidaas caddeeyay qoraal ka yimid booliska Interpol. Waxa uu xabsiga ku jiray tan iyo markii uu dalka ku galay qaabka tahriibinta ah.

Garda Pat Murray ayaa maxkamada u sheegay in Cabdiqaadir iyo haweeneyda ay ku yimaadeen garoonka diyaaradaha ee Dublin diyaarad ay ka soo raaceen Madrid maalintii su’aalaha la weydiiyay, iyagoo iska dhigayay lamaane is qaba.

Image removed.

XIGASHADA SAWIRKA,NIALL CARSON/PA WIRE

Qoraalka sawirka,Ireland iyo xarigga uu wajahay ninka Soomaaliga ah

Si kastaba ha ahaatee, kaarka aqoonsiga ee laga leeyahay Sweden isla markaana ay sida sharci darrada ah ku isticmaaleysay suxufiyaddan ayaa waxaa ka muuqatay isku ekaansho la’aan wejiga ah marka loo eego qaabka tignoolajiyadda waxaana soo baxay shakiga sarkaalka socdaalka.

Haweeneyda ayaa sarkaal Gardaí u sheegtay in lacag dhan 2,800 oo Yuuro ay siisay nin ku sugan Soomaaliya, kadibna uu la soo xiriiray Cabdiqaadir si uu dalka Ireland u geliyo. Waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya uga soo carartay Shaqadeeda Suxufinimo iyo caqabdo ay kala kulantay, sida ay Maxkamaddu sheegtay.

Cabdiqaadir oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, balse ku nool dalka Sweden ayaa haweeneydan la kulmay kadib markii uu u duulay magaalada Madrid halkaas oo uu ugu tagay. Waxa uu siiyay kaar aqoonsi oo Swedish ah oo “u eg”, kaas oo ay si dhab ah u lahayd xaaskiisa.

Oisín Clarke BL, oo difaacayay ama ahaa qareenka, ayaa sheegay in Cabdiqaadir uu hooyadiis iyo walaalihiis kala soo baxsaday Soomaaliya isagoo 13 jir ah. Waxa uu sheegay in Cadbuqaadi uu aqbalay in uu gabadha weriyaha ah caawiyo xilli ay kasoo carartay Soomaaliya isagana uu yahay waayo arag og waxa Soomaaliya kajira. "Waxa uu u sameynayay sababo nafsi ah."

Xukunka Cabdiqaadir, Garsoore Martin Nolan ayaa aqbalay in uu dambiga u galay "ujeedooyin wanaagsan" laakiin waxa uu ku xukumay 18 bilood oo xabsi ah, kaas oo uu dib ugu celiyay markii eedaysanaha xabsiga la dhigay bishii November ee la soo dhaafay.

Category