Wariye Maxamed Jiciir Aw-Axmed /Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Masuuliyiinta  Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  waxa ay kaga dhawaaqeen shaqaalaysiinta ugu yaraan 954 (sagaal boqol iyo afar iyo konton) macallin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda.