
Muqdisho (RH)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbanaya in haddii la dhisayo Urur ay ku mideysan yihiin dhinacyada DG lajooga Villadda iyo DFS, laga dhigo awood qeybsiga hoggaankiisa.
Musharax Xisbiga: Xassan Sheikh Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga: Qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed Xoghayaha Xisbiga: Beelaha Daaroodka/Hawiye midkii ladoono lasiiyo.
Koonfur Galbeed ayaa ku doodaysa in hadda cida tooska ah ee madasha joogtaa ay 2-daas dhinac yihiin, oo aysan wax kale kuqanceynin, ayna tahay in hoggaanka ururka sidaas loo kale qaato.
Madaxweyne Xassan Sh, ayaa doonaya in haddii adkaato xaaladdu Cabdiraxmaan Odowaa meesha laga saaro, oo xoghayaha laga riixo, layskuna dayo in KG lagu qanciyo Xoghayaha xisbiga iyo Gudoomiye kuxigeen.
Dooda Baydhabo, marka loo akhriyo nidaamka 4.5 waa in ay leedahay beelaha- 4ta ah 2 beelood ayaa joogta, Xisbiga Labadaas noogu qeybsha.
Munaasabada kudhawaaqida oo laqaban lahaa ayaa dib loo dhigay, markii laga cabsaday in Laftagareen dib ugu laabto Baydhabo isla maantaba.
ISHA: Gayland Media