Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood ka yeeshay xaaladda Waxbarashada ee Dalka.

Hargeysa(RH):-Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir'guddoominaayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha golahaasi waxay si ballaadhan ay uga doodeen xaaladda waxbarashada ee dalka.

 

iyagoo mudanayaashu ay talo ahaan u soo jeediyeen in mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ay koru qaadis ay ku samayso tayada waxbarashada dalka, isla markaana tacliinta iyo aqoonta la gaadhsiiyo dadka reer guuraaga ah ee aan deganayn magaalooyinka iyo goobaha tacliinta leh.

Geesta kale, mudanayaasha golaha Guurtidu waxay intaas ku dareen in tirada ardayda fasallada fadhiisanaysa laga dhigo 45 arday, isla markaana kulliyado kala duwan loo sameeyo ardayda dugsiyada sare iyo in malcaamadaha Qur’aanka Kariimka ah dhiga miisaaniyadda qaranka qoondo loogu daro.

 

Category