Laascaanood: Wiil Soo Kordhiyay Adeeg’bixin Nooceedu Ku Cusub Yahay Magaalada

Laascaanood(RH):-Saleebaan Yuusuf Cabdi, oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa hal abuuray shaqo ku cusub magaaladaasi.

Wiilkan ayaa sameeyay Leebaajada wareegta isagoo adeegsanaya mishiin uu dhabarka ku sido, taasi oo uu ku maydho qaybaha gaadiidka kala duwan ee magaaladaasi.

Wiilkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo laba wiil kale ay kala soo baxaan qowtal daruurigooda.

Sidoo kale waxaa uu dhallinyarada ku booriyay in ay fadhiga ka kacaan, oo ay shaqeystaan, isaga oo tilmaamay in aan xaglo laaban xoolo ku iman.

Dhanka kale waxaa qaar ka mida macaamiisha uu sida maalin laha ah ugu adeego ayaa ku ammaanay Saleebaan iyo saaxiibadii adeeg bixinta maydhista gaadiidka ee ay soo kordhiyeen.

Waxaanu yidhi Saleebaan “Waxa aan ahay xirfadle ku shaqeynta maydhista baabuurta noocyadooda kala duwan, aniga oo adeegsada Mushiin aan dhabarka ku sido amase Leebaajada Wareegta.

Babuurta yar yar baanu ku maydhna  meel kasta waan tagaa xirfaddan ayaan kala soo baxa nolol maalmeedkayga.

Saddex nin baanu nahay lacag wacan baanu ka helna, waxa aanu sameynayna inta iyo in ka badan waanu sameeynayna haddii ILLAAHEY yidhaahdo, meelkasta oo qofku joogana waanu ugu tagayna oo hawsha waanu u qabanayna”

Sidoo kale waxaa uu dhallinyarada ku booriyay in ay fadhiga ka kacaan, oo ay shaqeystaan, isaga oo tilmaamay in aan xaglo laaban xoolo ku iman “Markaan arkay dhalinyaraddi oo aan wax shaqo ah haynin, ayaan ku dhiiraday in aan  isku dayo hirgalinta shaqo bulshada kale aanay ku baraarugsanayn oo ah, sameynta Leebaajada Wareegta ee maydhista baabuurta, waan ku guulaystay.

Dhalinyaradda waxaan leeyahay inti aad tahriibii lahaydeen ama bila camal aad gidaradda u istaagi lahaydeen gobolka waxa yaala shaqooyiin faro badan qof kasto xirfadaada iyo raganimadda iyo caqligaaga intaad gashatiid gidaradda iskaga kaaca oo shaqeeysta waxa aan idiin leyahaay magaaladda idiinka u dhashe “

 

Category