
RH: Booliiska Denmark ayaa sheegay inay heleen xog badan oo la xidhiidha dilka haweeney 21-jir ahayd oo lagu dilay magaalada Herning.
Waxaa hadda laga joogaa ku dhawaad bil tan iyo markii gabadh Soomaali ah oo 21 jir ahayd toorri lagu dilay waddada Gormsvej ee magaalada Herning ee wadanka Denmark.
Ilaa hadda qofkii dilka geystay lama soo qaban oo weli waa fakad.
Baaraha kiiskan qaabilsan, Taliyaha booliska Theis Thylstrup oo ka tirsan booliska bartamaha iyo galbeedka Jutland ayaa sheegay inay baaritaan culus ku jiraan.
-
"Waa iska cadahay inaan wadno baaritaan xoogan oo dhinacyo badan leh."
-
"Waxaan helnay xog badan iyo fariimo badan oo dadweynuhu nagala soo wadaageeb, taasna aad baan ugu faraxsanahay," ayuu yiri Taliyaha booliska, Theis Thylstrup.
Ma uusan sheegin sababta loo dilay gabadha.
-
"Taasi waa mid ka mid ah arrimaha aan hadda ku daba jirno inaan soo ogaano, mana rabno inaan dadweynaha la wadaagno xiligan."
-
"Waxaa jira fikrado dhowr ah oo aan ku shaqeyneyno oo ku saabsan sida wax u dhaceen iyo sababta keentayba, laakiin waxay weli ka mid tahay baaritaanka soconaya," ayuu yiri taliyuhu.
Horay waxaa taliyaha sare ee booliska Hans Roost usheegay "in ay muuqato in gabadhu aysan aheyn qof si kedis ah loo beegsaday," laakiin faahfaahin intaa dheer kama bixin.
Dilka ayaa dhacay 7-dii bishii April, abaarihii sagaalkii fiidnimo, iyadoo gabadha lagu toorriyeeyay waddada Gormsvej ee magaalada Herning. Dad goobta marayay ayaa booliska wacay, isla markaana bilaabay gurmad degdeg ah oo caafimaad.
Hase yeeshee nasiib darro, gabadha ayaa markii danbe ku geeriyootay isbitaalka magaalada Gødstrup.
Boolisku wuxuu codsanayaa in qof kasta oo xog dheeraad ah haya uu la soo xiriiro.
-
"Qof kasta oo xog ka haya sida uu dilkaasi u dhacay, waxaan ka codsanaynaa inay nala soo xiriiraan," ayuu yiri Theis Thylstrup.
Booliska ayaa sidoo kale wareysi la yeeshay goobjoogayaal badan, waxayna ururiyeen muuqaallo badan oo kamaradaha ilaalinta ah.
Tarjumaada: Maxamed-Amiin