744 Askari Oo ka Tirsan Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Maanta la Dalacsiiyey

Hargeysa(RH):-Taliska guud ee ciidanka asluubta Somaliland ayaa maanta lagu qabtey Xaflad lagu dalacsiinayay 744 xubnood oo ka tirsan ciidanka asluubta Somaliland

ed

Xubnahan maanta la Dalacsiiyay ayaa ka koobnaa Darajada G/dhexe ilaa Dable oo Tiradoodu dhantahay 744 Askari

sdd

Madashan ayaa Waxaa ugu horrayn halkaasi ka warbixiyay Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Jsl, Aadan Axmed mooge (Kannadi) isaga oo faahfaahin ka bixiyay Gudidda uu Taliyaha Guud ee ciidanka Asluubtu xulay, isaga oo Taliye xigeenku xusay in Hab Cadaalad leh oo aan Eexasho lahayn ay u kala saareen ciidanka iyaga oo la dhaariyay.

scd

Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha jsl Sareeyo Guuto Maxamed Faarah xuseen (xiirane) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Bogaadiyay ciidanka asluubta isaga oo u hambalyeeyay Dhaaman Xubnaha dalacay, Taliyaha ayaa sidoo kale Faray Ciidanka Inay isku duub-naadaan meel kasta oo ay joogaan.

ASLUUBTA

Ugu dambayn Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta jsl Sareeyo Guuto Axmed cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa Hambalyo Udiray dhamaan Xubnahaas Dalacay isaga oo kula dardaarmay inay noqdaan kuwo Dadkooda Daacad ugu Adeega, waxaanuu saraakiishaas faray in ay qarankooda daacad ugu shaqeeyaan, iyadoo uu taliyuhu darajooyinkii ku taxay saraakiishaas ciidanka asluubta ka tirsan ee dalacay.

 

Category