Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa maanta  Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Civil Society Organisations), kulankan oo ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi xaalada guud ee dalka iyo arrinta Magaalada Laascaanood.

Hargeysa(RH):-Caddeymo, fariimo iyo xogo sirdoon ayaa muujinaya in argagxisada Shabaab ka dambeeyeen dilalkii iyo dagaalka xilligan ka socda magaalada Laascaanood, taas oo markhaati u noqonaysa hadalkii Madaxweynaha Md Muuse Biixi shacabka iyo caalamka ugu sheegay in argagxisada Shabaab ka dambayso rabshadaha & dagaalka Laascaanood.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta furey munaasibad lagu Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda.

Waxana kulankaasi kasoo qaybgalay shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada, xildhibaano, Maayarada magaalooyinka, masuuliyiin ka tirsan xukuumada, dhalinyaro ka kala timi gobolada dalka, qaybaha bulshada iyo marti Sharaf kale.

Hargeysa(RH):-Roobab dad iyo duunyaba lagu diirsaday ayaa ilaa xalay ilaa maanta ka da”ayay deegaano ka tirsan Somaliland.

Roobabkan oo ahaa  kuwa lagu qabawsaday isla markaana meelihii dadka iyo duunyaduba biyaha ka cabayeen ee Baraagihii iyo baliyadiiba biyo galiyey ayaa waxay ka hooreen gobolada Awdal,Gabiley Saaxil,Togdheer iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland gaar ahaana deegaanada ku teedsan Xeebaha.

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Eng. Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay inay diyaariyeen nidaam damaanad qaadaya tamar la awoodi karo, badbaado leh oo la isku  hallayn karo  Somaliland.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Komishanka Tamarta oo lagaga hadlay kaalinta ay ka qaateen shirweynihii  Dhaqaalaha oo ujeedadiisu ahayd Xalinta dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka, ayaa lagu sheegay in daneeyeyaashu ka doodeen xal-u-helidda caqabadaha dhaqaale.

Hargeysa(RH):-Dedaal muddo soo socday oo ay Xukuumaddu wadday isla maraana ay ka shaqaynaysay Shirkada sahaminta shidaalka ee Genel Energy,ayaa hadda u dhaw midho dhal iyo in sannadka dambe ee soo socda laga so saaro Somaliland isla markaana laga qodo ceel shidaalkii ugu horreeyay.

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey Saddexdii xubnood ee ka hadhsanaa Guddida Diwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa xubnaha mid mid gacanta ugu saaray kitaabka Qur'aanka kariimka ah, isaga oo mid mid ugu dhaariyey inay si caddaalad iyo dhexdhexaad ah howsha Qaran ee loo igmaday u gudan doonaan.

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa diiday ogolaanshaha mudaharaado ay dalbadeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid kaasi oo ay halku-dhig uga dhigeen Mudaharaadka Badbaadada Soomaaliland

Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa War-saxaafadeed ay soo-saartey waxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Gobollada Somaliland ku Amartey  in Talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay samayso Mudaharaad.

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa gudoomiyey shir balaadhan oo muhiimad sare leh oo ay qayb ka ahaayeen 14 masuul oo isugu jira Wasiiro, Wasiir-Xigeeno, iyo Agaasimayaal Guud, ee Wasaaraddaha; Maaliyadda, Ganacsiga, Caafmaadka, Xanaanaha Xoolaha, Deegaanka, Cadaaladda iyo Boosaha.

Hargeysa(RH):-Roobab  dad iyo duunyo-ba  lagu qabowsaday ayaa maanta galinkii dambe ka hoorey Caasimada Somaliland ee hargeysa iyo nawaaxigeeda .

Roobkani oo muddo kooban da’ayay ayaa bulshaweynta magaalada Hargeysi ay aad ugu diirsaddeen.

Maalmihii u danbeeyay waxaa jiray kuleyl, iyo biyo yaraan ka jiray qaar ka mida xaafaddaha magaalada Hargeysa.iyo deegaano kala duwan oo ka mid ah gobolada Somaliland.