Codbixintii Doorashooyinka Somaliland Oo Caawa Si nabad ah ku soo dhamaatay

Hargaysa(RH):- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka C.rashiid Maxamud Cali Riyo raac oo uu Weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa Sheegay in doorashadii Maanta ka qabsoontay Somaliland ay si guul ah oo nabadgalyo ah ku soo dhamaatay.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Wuxuu mahadnaq iyo amaanba u diray Shacabka Somaliland oo muujiyey Bisayl iyo inay danta guud ka horumariyaan ta gaarka ah Waxa uu Gudoomiyuhu xusay inay si wanaagsan ku soo dhamaatay doorashadu.

Cabdirashiid Riyo raac Wuxuu ka dalbaday hay’adaha warbaahinta Somaliland inay taxadar weyn muujiyaan isla markaana aanay Sheegin natiijo aan ka soo bixin Komiishanka Doorashooyinka qaranka.

Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka qaranku wuxuu fariin u diray hawl wadeenada Komiishanka ee ku sugan goobihii codka laga dhiibtay waxaanu ku booriyey inay ka dhabeeyaan dhaartii iyo dhex dhexaadnimadii ay mareen ay codadka ku tiriyaan waxaa kale oo uu hawl wadeenada komiishanka uu u soo jeediyey inay goob joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba ugu ogolaadaan tirinta Codadka.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka C.rashiid Maxamud Cali Riyo raac wuxuu gabo gabadii sheegay inay ku rajo weyn yihiin in 24 Saacadood gudahood ay ku shaacin doonaan natiijada hor dhaca ee doorashada isagoo intaas ku daray in natiijada rasmiga ahi ay qaadan karto mudo toban cisho ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in doorashadii maantu ay si nabadgalyo leh inoogu soo idlaatay waxaanu xusay in aanu jirin hal fal oo nusqaaminaya doorashadii maanta loo dareeray inuu dhacay Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu intaas ku daray inay doorashadii Maanta dhacday ka hawl galeen in ka badan 40 Kun oo qof.

Sida ay ku soo waramayaan Weriyeyaasha kala duwan ee goboladda dalka ayaa sheegaya inay deegaano badan ka soo xidhantay hawshii codbixinta doorashadu isla markaana wixii hada ka danbeeya ay bilaabmayso hawsha tirinta Codadku.

 

Category