Dawladda Soomaaliya Oo Hor-joogsatay Dhakhaatiir Baasaaboorka Somaliland Ugu Safrayey Kenya

Hargeysa(RH):-Dhakhaatiir reer Somaliland ah, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho lagu xidhay isla-markaana Baasaaboorka Somaliland oo ay ku safrayeen lagaga jeex-jeexay, sida ay sheegtay Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo dhakhaatiirtu ka hawl-galayeen Cisbitaalkeeda Hargeysa.

Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo Warbaahinta kula hadashay Hargeysa, ayaa sheegtay in Madaxda Madaarka Muqdisho ay Xidheen, Baasaaboorka Somaliland-na ka jeexjeexeen Dhakhaatiirta oo diyaaraddii sidday ku hakaday halkaasi, iyagoo ku sii jeeday Dalka Kenya oo ay Tababbar u tagayeen.

Dhakhaatiirta oo Tiradadoodu ahayd Laba, ayaa Soomaaliya dib ugu soo Tariishay dhinaca Somaliland, taasi oo Edna ay ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, maaddaama oo dunida kale Dadka Madaarrada diyaaraduhu kula hakadaan ama la sii maraan aan la waxyeelaynin.

“Waa shaqaale caafimaad oo tababar u socday, oo ku safrayay baasboorka Somaliland, oo fiise loogu soo saaray” sida waxa tidhi Edna Aadan Ismaaciil, waxayna intaa ku dartay inay khalad tahay in Baasaaboorka laga qaado, lagana jeexjeexo, maaddaama oo aanay gaadhin halkii ay u socdeen “Dadkii oo ka sokeeya meesha ay ku socdaan baasaaboorrada lagama qaado, lagamana jeex jeexo, dhib kalena looma gaysto, meesha ay u socdaan ayaa haddii ay aqoonsantahay dalku galka, u ogolaata ama u diida.”

Drs. Edna waxay sheegtay inaan Dawladda Soomaaliya aqoon sharci lahayn “Hadday Soomaaliya garanayso sharciga dad taransit ah baasaaboorka kamay qaadeen oo kamay jeex jeexdeen, 3 maalmood qafaalasho kumay haysateen” ayay tidhi.

 

 

Category