Ganacsatada Somaliland Ee aan Cashuurin Liisamadooda Oo la Siiyay Fursad

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa gudoomiyey shir balaadhan oo muhiimad sare leh oo ay qayb ka ahaayeen 14 masuul oo isugu jira Wasiiro, Wasiir-Xigeeno, iyo Agaasimayaal Guud, ee Wasaaraddaha; Maaliyadda, Ganacsiga, Caafmaadka, Xanaanaha Xoolaha, Deegaanka, Cadaaladda iyo Boosaha.

Kulankan oo mudo saacado qaatay ayaa intuu socday, waxa lagaga wada hadlayey fududaynta bixinta liisamada iyo ruqsaddaha ganacsiga, iyada oo ay Dawladdu eegayso culaysyada dhaqaale ee ay keeneen abaarta, sicir-bararka iyo gubashadii suuqa-dhexe ee waaheen, isla markaana la dhiirigalinayo koboca ganacsiga, waxaana lagu go’aamiyey in la soo koobo hanaanka loo marayo qaadashada liisamada ganacsiga, si loo yareeyo wakhtiga iyo kharashka kaga baxa ganacsatada qaadashadiisa.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu go’aamiyey in Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganacsigu ay si wada jira uugu samayeeyey fursad lagaga dhaafayo cashuurta liisamada muddo sannad ka badan aan la cusboonaysiin, isla markaana ganacsadaha laga qaadi doono keliya cashuurta sannadkii u dambeeyey.

Fursada loo sameeyey ganacsatada ayaa la sheegay inay socon doonto ilaa bisha lixaad ee sannadkan.

 

 

Category