Golaha Wakiillada Oo La Hor Keenay Laba Mooshin Mid Laalay Midna Ansixiyay

Hargeysa (RH):-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey mooshinka darajo dalacsiinta Degmooyinka Caynabo, Taleex iyo Baligubadle.

Degmooyinkan, ayaa laga dhigay derejada B, iyaga oo markii hore ahaa C

fadhigan maanta ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka soo xaadirey 63 mudane ,waxaa ogolaaday 36 Xildhibaan, 22 mudane waxa ay u codeeyeen in laga doodo, lix mudanena waa ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu coddayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay mooshinka darajo dalacsiinta Degmooyinka Caynabo, Taleex iyo Baligubadle.

geesta kale Mudaneyaasha Muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa ku guul dareystay inuu meel mar noqdo mooshin ay horkeen Golaha Wakiillada, kaas oo xambaarsanaa nuxur la mid ah mid kale oo ay wateen Xildhibaannada Mucaaradka ee Golahaasi.

Labadan Mooshin oo ujeeddadoodu ahayd derejo beddelka Degmooyinka dalka qaarkood, ayaa waxa jabay oo kii ay Muxaafidku wayeen oo sharci yaqaannada Goluhu sheegeen in aanu waafaqsanayn sharciga, madaama oo uu ka hadlayey mabaa’id guud oo aanay ku xusin Mooshin qodob gaar ah oo wax laga beddelayo oo la xidhiidhay xeerka 23 ee ismaamulka degmooyinka iyo gobollada.

Mooshinkan jabay ee Xildhibaannada Muxaafidku wateen, ayay ku doonayeen in wax lagaga beddelo degmooyin 20 gadhaya, kuwaas oo qaarkood yihiin derajada D.

Mooshinka la ansixiyey ee Xildhibaannada Mucaaradka wateen, ayaa waxa ay si gaar ah ugu dalbanayeen saddex degmo ee C ahaa in loo dalacsiiyo ‘B’, kuwaas oo kala ahaa Caynaba, Balligudbadle iyo Taleex.

Category