Golaha Wakiillada Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Xeer-hoosaadkii Golaha

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Cusub ee Golaha wakiillada Somaliland ayaa Maanta ansixiyay xeer hoosaadkii ay ku shaqayn lahaayeen Golahaasi,

Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay Kaabis iyo wax ka badel ay ku sameeyeen xeer hoosaadkii ay ku shaqayn jireen golihii iyaga ka horeeyay.

Gudoomiyaha Gudidii loo xil-saaray wax ka badalka iyo kaabista xeer hoosaadka golahaasi Wakiilada xildhibaan Cabdilaahi Muuse ayaa xildhibaanadii fadhigaas ku sugnaa warbixin ka siiyay kaabista ay ku soo sameeyeen xeer hoosaadkaas, waxaanuu xusay in xeerkaasi mudan yahay in golaha wakiilladu ansixiyaan si uu u noqdo mid ay ku shaqeeyaan.

Xeer hoosaadkaas oo ka kooban 73 qodob ayaa waxaa ansixintiisa ogolaaday 70 xildhibaan, waxaa diiday 4-xidhibaan 1-xildhibaan ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasna waxa ka ansaxay kaabista iyo wax ka bedelka xeer hoosaadka Xildhibaanada Cusub ee Golaha wakiillada Somaliland

 

Category