Gudidda Ka Hortaga Covid-19 Ee Somaliland Oo Bulshada Ugu Digay Khatarta Xanuunkaasi

Hargaysa(RH):-Guddiga heer qaran ee maaraynta iyo ka hor taga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayaa ugu bulshadda ugu baaqay in ay ka feejignaadaan mawjadda saddexaad ee xanuunka Coronavirus oo si xawli ah u faafaya.

Xubnaha guddiga heer qaran ee maaraynta iyo ka hor taga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayaa uga digay bulshadda in ay ka taxadiraan faafintaanka xanuunkaasi Covid-19

Waxaanay dadweynaha kula dar-daarmeen in ay raacaan tallooyinkii lagaga hor tegayo xanuunka Coronavirus, isla markaana ay u hogaansamaan tilmaamaha iyo tallooyinka wasaaradda caafimaadka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ahna guddoomiyaha guddiga heer qaran ee maaraynta iyo ka hor taga xanuunka Coronavirus oo ku hadlayay af-ka guddigaasi ayaa dadweynaha Somaliland ku booriyay in ay ka digtoonaadaan mawjadan cusub ee Covid-19-ka, waxaanu faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in ay dadweynaha la hadlaan.

Waxaanu yidhi, “Markaan arganay in khatartii xanuunka Covid-19 ay soo kordhayso, oo ay dib u soo laba-kaclaysay. Waxaad guddiga muddo badan u arki waydeen nabad baa jirtay, waxaana aad iyo aad hoos ugu dhacay laba bilood iyo dheeraad, ee la soo dhaafay. Waxaa se maanta (shalay) halkan na soo joojiyay, mawjadii saddexaad ee xanuunka Coronavirus oo mudooyinkanba adduunyadda kale ku wareegayay, ayaa ina soo gaadhay.

Waxaanan ka helnay calaamadihii, dadka maalin walba la baadho, ee wixii ka horeeyay bishii lixaad iyo bishii todobaad ee sanadkan 201-ka, oo labadii boqol ee qof ee la baadhaba, ama laga waayay xanuunka dhamaantoodba, ama laba qof ama saddex qof ay noqonayeen tiradda laga helayay”.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa kaloo uu sheegay in tobankii maalmood ee u danbeeyay ay si aad ah sare ugu kacday tiradda dadaka laga helay iyo kuwa u geeriyooday xanuunka Coronavirus, sida ay tibaaxayaan xogaha wasaaradda caafimaadku bixisay.

Waxaanu mar kale bulshadda ku baraarujiyay in ay qaataan tallaabooyinka lagaga taxadirayo caabuqa Covid-19, iyo ta labaad oo ah tallaalka xanuunkaasi, maadaama oo uu yaallo inta badan xarumaha caafimaadka ee dalka, isla markaana uu bilaash yahay.

“Tobankii maalmood ee u danbeeyay ee bishii sideedaad ee ina dhaaftay, in ay tiradu aad u badatay, oo dadkii la baadhay laga helayay xanuunka Covid-19-ka, 5% ama 4% ama 10% oo ay mar keliya Cirka isku shareertay.

Taasi darteed waxaanu ku khasbanaanay, in aanu mar kale dib idiin xasuusino, in xanuunkii uu soo kordhay, oo tallaabooyinkii caafimaadka ee hore u jiray in ummada reer Somaliland ay ku dhaqanto, oo ay taxadirkii badiyaan.

Waxaanan idinku wacyigelinaynaa in aad iyo aad loo taxadirro, oo kala fogaanshiyihii, Gacmo-maydhashadii, Af-saabkii, iyo wax alla wixii lagaga hor tegi karayay xanuunkani in la qaato.

Tallaabadda labaad oo ah in tallaalkii xanuunka Coronavirus la qaato. Tallaalku wuxuu yaraynayaa dhibaatadda caabuqa Covid-19, oo xataa haddii uu qofka ku dhaco, dhibaatadiisu way ku yaraanaysaa. Wadan walba sida ay dadkiisu talaalka u qaateen, ayay dhibaatadiisu kaga yaraatay” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Sidaas darteed, dadkii hore u qaatay tallaalka wejigiisii koowaad, waa in ay wixii ka dhiman ee qaybta labaad ee tallaalka ah ay buuxsadaan, oo ay is tallaalaan. Cidii aan weli tallaalka Coronavirus qaadani na, waxaanu bulshadda reer Somaliland ka codsanaynaa, mar haddii uu tallaalkii inoo yaallo, oo cusbitaaladda iyo goobaha kale ee caafimaadka ee dalka intoodda badan la geeyay, wixiina uu bilaash yahay, in dareemadda qaarkood ee dadka dhex socda, in aad Maskaxda ka saartaan.

Dareemadaasi oo odhanaya in tallaalku uu dhibaato u keenno qofka is tallaalla. Wax kastoo cusub oo adduunka yimaadaaba, wuxuu leeyahay dacaayado raqiis ah oo dhex socda. Dacaayadahaasi waa in aanay Maskaxdiina gelin. Waxaana la hubaa in haddii aad is tallaashaan, in daawooyinkani 99% ay wax badan ka tarayaan”.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in aanay waxba ka jirin dacaayadaha laga faafiyay talaalka Coronavirus ee ah inuu dhibaato ku keenayo dadka qaata qaarkood.

madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin dacaayadaasi, isla markaana xanuun kastoo adduunka yimaadda loo hello talaal ama daawayn.Waxaanu yidhi, “Xanuun kastoo yimaadaaba, adduunka khubarro iyo dhakhaatiir, iyo dad aqoon u leh baa ka shaqeeya. Waxaana la raadiyaa xanuun kastoo adduunyadda yimaadda daawadiisii. Covid-19-kana, daawadiisii waxay noqotay in tallaal loo helay. Markaa waxaan aad iyo aad idiinku dhiiri gelinaynaa, oo aan ugu boorinaynaa shacabka reer Somaliland in ay tallaalka qaataan”.

 

Category