
RH:
Waxaa hadda la soo xulay shanta macallin ee u tartamaysa abaal-marinta "Macallinka ugu fiican magaalada Kolding". Magacyadooda wali lama shaacin, balse guddigu waxay kala doorteen 121 codsi oo laga soo gudbiyay 68 macallin.
Guddiga xulashada ayaa ka kooban Laust Tuxen Hedegaard oo ah madaxa tifaftirka wargeyska JydskeVestkysten, Wilhelm Hallum oo hore u ahaa maamule dugsi iyo macallin muddo 8 sano ah, iyo Sara Bach Nielsen oo ah ardayad fasalka 8aad dhigata isla markaana matasha ardayda deegaanka.
Dood badan ayaa ka dhalatay in macallimiinta dhigta fasalka kindergarten (fasalka carruurta yar-yar) loo tixgelin karo tartanka iyo in kale, sababtoo ah inta badan macallimiintan waa barbaarin (pædagog) balse hawsha ay hadda qabtaan waxay aad ugu dhowdahay tan macallimiinta fasalada kale ee hoose sida fasalka 1aad iyo 2aad.
Sara Nielsen waxay ku adkeysatay inay muhiim tahay inaan laga tagin macallimiinta kindergarten, sababtoo ah waa halka ay carruurtu ka helaan aasaaska waxbarashada. Wilhelm Hallum ayaa sidoo kale sheegay in waxbarashada kindergarten ay hadda tahay mid muhiim ah oo u dhiganta tan fasalada kale ee hoose.
Laust Tuxen Hedegaard ayaa sheegay in isaga muhiimadda weyn ay tahay in macallinka uu aqoon fiican leeyahay, isla markaana awood u leeyahay inuu arday kasta heerkiisa wax ka baro. Wuxuuna intaas ku daray inuu aad ugu farxay markii uu akhrinayay codsiyada dadka soo gudbiyeen, isagoo tilmaamay in xaaladda guud ee macallimiintu aysan xumaan sida dadka qaar laga yaabo inay moodayeen.
Guddiga ayaa ugu dambeyn isku raacay in macallimiinta kindergarten ay xaq u leeyihiin inay ka qayb galaan tartanka.
xigasho. jv./ tarjumaada : Mohamed-Amiin