Shir Lagaga Hadlayay Khatarta Xanuunka Covid-19 Oo lagu Qabtey Hargeysa 

Hargaysa(RH):-Waxaa Maanta Magaalada Hargeysa  lagu qabtey Shirka Heer Qaran ee Dardar-galinta Gurmadka Degdegga ah Xanuunka Korona-Fayras.

 

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa Shir-gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland. Cumar Cali Cabdilaahi Badde .

Shirkan ayaa intii uu socday  waxaa Warbixino lagagaga dhagaystey  Badiba Agaasime Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Waxaana  lagaga wada hadlay kulankani arimo ay ka mid yihiin:-

1. Dardar-galinta hawlgalka gurmadka degdegga ee heer qaran ee Xanuunka Covid-19

2. Dib-u-eegista heerka xanuunku marayo wadanka gudihiisa iyo wadammada jaarka, iyada oo la dardar galiyay go’aanno lagaga hortagaya faafiska xanuunka.

3. U diyaar galawga tallaalkii Koroona-fayras oo qayb cusub iman doonto dhawaan. Qaybtan cusub waxa ay ka koobantahay 30,000 oo tallaal, waxaana la isla qaatay in la dardar galiyo  qorshaynta iyo hawgalinta olole tallaal oo ka qabsooma wadanka oodhan

4. Dhaygasiga warbixinta hawlgalka kooxaha gurmadka degdegga ee ka hawlgala xadadka dhulka iyo hawada. Iyadoo la go’aamiyey in kor-loo sii qaado tababarka kooxahaasi.

Wasaaradda Horumarinta caafimaadka ayaa mudooyinkii u dambaysay ku hawlanayd sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada Caafimaadka dalka, Sidoo kalana looga gaashaaman lahaa xanuunka dunida kusii Faafaya ee “COVID-19.

 

Category