Somaliland Oo Maanta Guud Ahaan Si Nabada looga Ciiday

Hargeysa(RH):-Waxaa maanta si nabada oo Xasilooni ku dheehantey looga ciiday Gobolada,Degmooyinka iyo guud ahaan Deegaanada kala duwan ee Somaliland.

 

Munaasibada ciidal fidriga ayaa si wayn looga dabaal-degay dhamaan gobolada dalka iyo deegaanada kala duwan ee hoos yimaada, iyadoo dadweynahana ay tukashada salaada ciidal Fidriga ay kala qayb galeen masuuliyiinta kala duwan ee qaran Somaliland.

Waxaa dadweynahaas tukashadii salaadda ciida kala qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dhexe iyo masuuliyiinta  gobolada dalka, kuwa degmooyinka kala duwan, waxaanay ugu hambalyeeyeen munaasibada ciidal Fidriga iyagoo u rajeeyay in ciidan teeda kale ay ku gaadhaan caafimaad iyo nabad-gelyo.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in Ilaahay ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo, waxana uu yidhi,“Ilaahay ha inaga yeello ummad Islaam ah oo qalbiga ka heshiis ah oo Diintooda Aaminsan  oo dhan u wada jeedda.”

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran, kana maarmaan gacmo shisheeye, kana dheeraadaan wax kasta tafaraaruq ku keenaya midnimada bulshada oo ay qabyaaladdu kow ka tahay.

 

Category