
RH: Tirada dadka ku nool Denmark ayaa hadda gaartay 6,001,008 qof, waana tiradii ugu badnayd abid, sida ay sheegtay Danmarks Statistik.
Markii ugu dambeysay ee Denmark ay gaarto malaayiin cusub waxay ahayd sanadkii 1973 markaas oo ay gaareen 5 milyan.
Sida ay dadku u bateen:
-
1 milyan – 1811
-
2 milyan – 1882
-
3 milyan – 1919
-
4 milyan – 1945
-
5 milyan – 1973
-
6 milyan – 2025
Koboca tirada dadka:
Horey tirada dadka waxay u kordhi jirtay sababtoo ah dhalashooyin ka badan dhimashooyin. Laakiin tan iyo 1973, kororka dadka waxaa si weyn u sababay soogalootiga.
Waxaa hadda Denmark ku sugan 950,000 qof oo ah dadka soo guuray iyo caruurtooda, kuwaasoo asal ahaan ka yimid wadamo ay ka mid yihiin Poland, Ukraine, Romania, Germany iyo Turkey.
Sida uu sheegay khabiir ka tirsan Danmarks Statistik:
"Haddii aysan jiri lahayn soogalooti, tirada dadka Denmark waxay weli ahaan lahayd ku dhowaad 5 milyan."
Ma gaadhi doonaa 7 milyan?
Sida la saadaaliyay, dadka Denmark waxay noqon doonaan ku dhowaad 6.3 milyan 45–50 sano gudahood, laakiin lama filayo in ay gaaraan 7 milyan dhowaan, maadaama:
-
Dhalashada ay hoos u dhacday
-
Dadkii dhalatay dagaalkii labaad kadib ay sii gaboobayaan
-
Dhimashada ay kordhi doonto
Gunaanad:
Mustaqbalka tirada dadka Denmark aad bay u adagtahay in la saadaaliyo, sababtoo ah soogalootiga ayaa ah "joker " waana wax aan la saadaalin karin si fudud.