Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo la Kulmey  Danjiraha Taiwan U fadhiya Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud , ayaa maanta xafiiska ku qaabilay danjiraha Taiwan u fadhiya Somaliland,   Amb. Allen C. Lou.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee  Somaliland, ayaa safiirka ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka socda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Taiwan Mr. Joseph Wu.

Kulankani Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyada Somaliland, iyo danjiraha Taiwan u fadhiya Somaliland ayaa sidoo kale lagaga wada Hadley dardargalinta hawlaha iskaashi ee labbada dal ka dhexeeya.

 

Category