Xukuumada Somaliland Oo Daah-furtey Shirka Siyaasadda Dib U Eegista Isbedelka Cimilada

Hargaysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa magaaladda Hargaysa ka daah-furtay shirka qorshaha dib u eegista isbedelka cimilada qaranka.

Marwo Shukri Xaaji Ismaacil Baandare, waxaa furitaanka kulankaasi ku weheliyay agaasimaha guud ee wasaaradaaai C/nasir Axmed Xirsi, iyo masuuliyiin kale.

Waxaana kulankaasi la isku weydaarsaday dood cilmiyeed ku saabsan sidii Somaliland ugu diyaar garoobayso isbedelka cimilada oo aduunkoo dhan saameeyey.

Wasiirka deegaanka ayaa faahfaahin ka bixisay heerarkii ay soo martay siyaasadda isbedelka cimiladda ee Somaliland.

“Qorshahan isbedelka cimiladu muddo ayuu soo socday, oo laga soo shaqaynayay.

Dad baana xooga saaray,haayadda UNDP na way naga caawisay. Mudadii la Lafo-gurayayna macluumaad aad u wanaagsan baa ka soo baxay.

Siyaasadani ayaa la doonayaa inuu laba maalmood socdo, oo berri la soo gebagabeeyo”ayay tidhi wasiirku.

Geesta kale wasiir Shukri Baandare, ayaa bulshadda Somaliland ku baraarujisay macnaha iyo u jeedadda laga doonayo in laga fahmo marka laga hadlayo isbedelka cimiladda.

Waxaanay sheegtay in isbedelka cimiladda oo soo socday afartankii sanadood ee u danbeeyay uu saamaym xun ku leeyahay nolosha bini’aadamka.

Waxaanay tidhi, “Waxaan doonayaa in aan idin ogaysiiyo, marka aynu leenahay cimiladii way is bedeshay, in noloshiina is bedeshay. Afartankii sanadood ee u danbeeyay ba way isa soo bedelaysay.

Hadaba inagu ma la soconaa isbedelkaasi? Ma u sii diyaar garownay? Sidee ayaynu doonaynaa in aynu mustaqbalka u waajahno, isbedelkaasi soconaya. Haddii aynu nahay Somaliland”.

Shukri Xaaji Baandare, waxa kaloo ay sharaxday qorshaha ay wasaarad ahaan arrintaasi ku waajahayaan.“Waxaynu doonaynaa in aynu u waajahno, in inagoo isku duuban, oo Gacmaheenu is wada haystaan, in aynu wax ka bedelno sidaynu imika u socono iyo sidaynu imika nahay.Haddii aynaan wax ka bedelin sidaynu imika nahay, in aanay waxba inoo soconaynin” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Geesta kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka C/naasir Axmed Xirsi, oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in siyaasad laga yeesho isbedelka cimiladda.

Dhinaca kale waxaa shirkaasi ka qayb qaadanaya haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha isbedelka cimiladda.Kuwaas oo ay ka mid tahay haayadda UNDP iyo Wasaarradaha dawladda ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo cimiladda.

Category