Xukuumadda Somaliland Oo Baadhis Ku Samaynaysa Jaamacadda Barwaaqo Iyo Dugsiga Abaarso

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baadhis ka bilowday Xarumaha Jaamacada Barwaaqo iyo Dugsiga Abaarso oo ay jiraan tuhuno muujinaya inay Xarumahaasi ka jiraan falal lidi ku ah Diinta  Islaamka.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada Somaliland  ayaa sheegay in baadhis lagu wado jamaacadahaasi madaama ay bulshadu ka biyo diiday .

Sidaasina Waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Somaliland Waxaanu u dhignaa sidan:-

“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka.

Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani”

 

Geesta kale Maamulka Abaarso Network, ayaa eedahaasi loo jeediyey dhinac iskaga leexiyey War-Saxaafadeed ay soo saareen Agaasimaha Fulinta ee Abaarso Network, Robert Kaufman iyo Wakiilka sare ee Abaarso Network, Hary Lee, ayaa lagu sheegay  inay mamnuuc ka tahay in macalimiintoodu ay waxyaabaha ay aaminsan yihiin kala hadlaan ardayda.

War-Saxaafadeedkaas wuxuu u qornaa sidan:-

 “Abaarso  Network, waxay  sheegeen inay muddo 12 sannadood ah  ay waxbarasho heerkeedu sarrayso ay ka taabogeliyeen Somaliland, isla markaana Hoggaamiyeyaasha iyo Macalimiintoodu ay ka caawiyeen mutacalimiinta soo koraysa ee Somaliland inay helaan deeqo waxbarasho oo ay dalka dibadiisa ku soo qaataan oo ku baxday $37 Milyan oo Doolar.

Waxa  kaloo ay tilmaameen in muddadii ay jireen ay qaateen macalimiin shisheeye ah oo si joogto ah u caddeeyey inay xushmad u hayaan dhaqanka reer Somaliland iyo diinta Islaamkaba.

Maamulka Abaarso Network, waxa ay intaas ku dareen in dhammaan shaqaalahooda ay ka saxeexeen waxyaabihii looga baahnaa heshiisyadooda iyo xeerka Anshaxa oo ka mamnuucayey hawlwadeennada Abaarso inay kala hadlaan ardayda ay waxbarayaan waxyaabaha ay aaminsan yihiin, cidii ku guuldaraysata nidaamkaasna ay ku khasbanaayeen inay si degdeg ah uga saaraan shaqada.

War-Saxaafadeedka Abaarso Network waxa kaloo lagu sheegay inay adduunka ka raadiyeen  aqoonyahannada ugu wanaagsan caalamka, si loo dhiso iskuulka Abaarso isla markaana loo saacido hibada da’yarta.

Waxa ay intaas ku dareen in Mrs. Joe Isa ay tahay Guddoomiyaha Abaarso Network u qaabilsan Jaamacadda Barwaaqo, waana aqoonyahanad xeel-dheer oo  waxbaraysay arday, isla markaana maamulaysay macallimiin muddo  27 Sannadood ah, waxaanay tilmaameen in si la mid shaqaalahooda kale oo dhan haweenaydaas laga rabo inay si adag u fuliso in waxyaabaha ay aaminsan tahay aanay kala hadal ardayda, hase ahaatee haddii ay xeerkaas jabin lahayd ay la kulmi lahayd inay si degdeg ah looga eryo Abaarso Network.

Abaarso Network, waxay dhawaan ku aragtay baraha bulshada Mrs. Joe Isa, oo adeegyo arrimo  diineed la xidhiidha kaga qaybgashay dalka Nigeria, xiligaasi oo ahaa ka hor intii aan laga hawlgelin Abaarso Network.”

War-saxaafadeedka Abaarso Network, waxa lagu xaqiijiyey inay haweenaydaas Joe Isa ay ku kalsoon yihiin maamulka iyo ardayduba in aanay jabin  heshiiskii iyo anshixii laga doonayey, oo ay Somaliland u joogto si ardayda Somaliland u helaan fursado waxbarasho layaab leh oo waxtarta horumarka Somaliland.

Abaarso Network, waxa ay iftiimiyeen in Wakiillo ka socda Xukuumadda Somaliland ay marar kala duwan booqasho ku tageen dugsigaas, oo ay Abaarso Network soo dhaweynayso in Wasiirrada Waxbarashada iyo diintu ay toos ula hadlaan ardayda, hawlwadeennada iyo qoysaska, si ay u xaqiijiyaan Haweenayda Ms. Isa ay kala hadashay ardayda diinta ay aaminsan tahay muddadii ay ku sugnayd Somaliland.

Ugu dambayn, waxa War-Saxaafadeedkaas Abaarso Network waxaa lagu sheegay inay  ku kalsoon yihiin in xubno ka socda Wasaaradaha ay khusaysaa ay xaqiijiyaan sida dugsigaasi u meelmariyey nidaamkii anshaxa, dhaqanka  iyo diinta ee u dejisnaa oo ay hubiyaan sannad dugsiyeed kasta.

Waxa kaloo ay balanqaadeen inay sii wadayaan inay ka shaqeeyaan sidii  da’yarta Somaliland u heli lahayd waxbarasho dheeraad ah.”

 

Category