Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Wakhtiga La Furayo Madaarka Berbera.

Berbera(RH):-Maamulaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland, Cumar Cabdilaahi Aadan Cumar Sayid oo warbaahinta la Hadley ayaa sheegay in Bisha November ee Sannadkan la furi doono madaarka berbera oo dib u haban balaadhan lagu sameeyay,

Maamulaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland ayaa sidoo kale ka hadley Cabashooyin ka yimid Shaqaale cusub oo  loo qaadanayo madaarka magaalada Berbera,waxaaanu sheegay in si siman loogu tartami doono Shaqaalaha loo qaadanayo madaarka berbera.

Cumar Cabdilaahi Aadan oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi”Madaarka Berbera Dawladda Somaliland waxa ay heshiis kula gashay Shirkad Caalamiya oo ka shaqaynaysa in  Madaarka noqdo mid ka tilmaaman Geeska Afrika, waxaana loo dhammaystiray qalabayntiisii 21 Bisha November  ayaana la furi doonaa Madaar kaas oo Wadankeena ahmiyad u leh waayo  Deked Caalamiya marka la sameeyo Madaar Caalamiya waa in la sameeyo,”.

 

Sidoo kale Cumar Sayid ayaa waxa uu sheegay in la saxay  wixii Cabashooyina  ee ka soo baxay qaadashada Shaqaalaha madaarka berbera.  “Shirkadaas Gacanta ku haysa Madaarka ayaa shaqaale cusub  qoranaysa waana la isla saxay wixii ka soo noqday,waxaana  isla garanay in shaqaalaha dib loo baahiyo dhammaan dhallinyarada Somaliland way soo gudbin doonaan sii fiiyadooda. iyadoo aanu ka wada shaqayn doono hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada. dhalinyarada si siman ayay ugu tartami doonaan,sida xeerarka Waddanka sheegayaan gobalka shaqada laga qabanayaa  waxa uu xaq u leeyahay boqol kiiba toban diyaar ayaana loola yahay dhalinyarada ku nool gobalka Saaxil qaranka ayay muhiim u yihiin cidina ma dafiri karto xaqooda,”.

 

Dhinaca kale Maamulaha Madaarada ayaa waxa wax laga waydiiyay dad soo galay xayndaabka madaarka Boorama. “marka madaar la xadaynayo lama waayo dad xayn daabka madaarka soo galay waana la kulanay dadkaas soo galay Xayn daabka madaarka boorama,sidii laga yeelay madaarada kale dalka  ayaa loola dhaqmi doonaa cid gaara oo lagu dhibaataynayaa majirto.waana in ay madaar  yeelato magaalada boorama waana laysla eegi doonaa,” ayuu yidhi

Category