
Muqdisho (RH)-Waxaa dib u dhac ku yimid xafladdii shaacinta Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga Qaban qaabada.
Xafladdii shaacinta oo lagu waday in gelinka dambe ee maanta ka dhacdo Hoolka Sahal Terminal ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira wadatashiyo ku aadan hannaanka iyo qaab dhismeedka Hoggaanka Xisbiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wadatashiga socda ay qeyb ka yihiin hannaanka awood qeybsiga hoggaanka Xisbiga cusub, maadaama xisbiga ay ku mideysan yihiin xubnihii hore Xisbigii UPD, xubnaha Xukuumadda Dan Qaran iyo xubnaha cusub ee ka imaanaya saddexda Dowlad Goboleed, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.
Labada dowlad goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa la sheegay in aanay wax dood oo weyn ka qabin qaab dhismeedka dhanka Hoggaanka ah, halka Koofur Galbeed ay dood ka keentay qaabka loo qeybsanayo hoggaanka xisbiga, sida aan ka soo xiganay ilo ku dhaw dhaw saaxibada Madaxweynaha Koofur Galbeed.
W/Q: Cabdicasiis Golofyare