Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Shir balaadhan oo ay maanta Magaalada Hargeysa ku yeeshaan Hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa lagu heshiiyey in xisbi waliba la siiyo laba maalimood oo kusoo bandhigo olalahiisa doorasho

 

Hargeysa(RH):-Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta War-Saxaafadeed ka soo saarey xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland

Guddida doorashòyinka Qaranka Somaliland ayaa  sheegay in aanay bannaaneyn sharciyan xadhiga murashixiinta u tartamaya doorashada, sida uu dhigayo xeerka guud ee doorashooyinka, Qodobka 26-aad Farqadiisa 2aad.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay  xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaas oo diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Hargeysa(RH):-Fadhigii 74aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha amniga dalka, xanuunka covid 19 iyo diyaar garowga doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Hargeysa(RH):-Fadhigii 73aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta caafimaadka iyo diinta iyo Awqaafta.

Hargeysa(RH):-Fadhi ay yeesheen golaha wakiillada oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaa fadhiga ku sugnaa 42 mudane waxa xeerkaasi cod aqlabiyad ah ku meel mariyay 36 xildhibaan, 4, xildhibaan ayaa ka aamusay waxa diiday 1, xildhibaan Guddoomiyuhuna ma codayn sidaasina waxa ku ansaxay xeerka shaqaalaha dawladda ee xeer lanbar 97/2021.

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland, ayaa qiimo cayiman u dejisay qiimaha Shidaalka kala duwan, gaar ahaan Naaftada iyo Baatroolka oo sicirkoodu kor u kacay usbuucyadii u dambeeyey, waxaanay wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiisku soo saartay wareegto lagu jaan-gooyey qiimaha soo dejinta illaa heerka tafaariiqda ee labadan nooc ee Shidaalka ah, taasoo lagu dhaqmi doono muddo bil ah.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19 oo dalka ka bilaabmay, waxana uu madaxweynuhu si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka covid-19.