Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo cisbitaalka guud ee Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwan u dhashay.

Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-geli doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Hargaysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa magaaladda Hargaysa ka daah-furtay shirka qorshaha dib u eegista isbedelka cimilada qaranka.

Marwo Shukri Xaaji Ismaacil Baandare, waxaa furitaanka kulankaasi ku weheliyay agaasimaha guud ee wasaaradaaai C/nasir Axmed Xirsi, iyo masuuliyiin kale.

Hargeysa(RH)Waxaa shalay si habsami leh u soo idlaatay doorashadii goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka  Somaliland, iyadoo dadweynuhu ay sugayaan ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah.

Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa soo gaba-gabeeyay tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar,

Hargaysa(RH):- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka C.rashiid Maxamud Cali Riyo raac oo uu Weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa Sheegay in doorashadii Maanta ka qabsoontay Somaliland ay si guul ah oo nabadgalyo ah ku soo dhamaatay.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Wuxuu mahadnaq iyo amaanba u diray Shacabka Somaliland oo muujiyey Bisayl iyo inay danta guud ka horumariyaan ta gaarka ah Waxa uu Gudoomiyuhu xusay inay si wanaagsan ku soo dhamaatay doorashadu.

Boorama(RH):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil(Saylici) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Galabta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanada Qul-ujeed, Boon iyo Gargoorey ee Gobolka Awdal.

 

Waxaa Madaxweyne ku xigeenka safarkan ku wehelinaya Wasiirrada Gaashaan dhiga, Ganacsiga, Caafimaadka iyo Beeraha, iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Hargeysa(RH):-Waxaa maanta si nabada oo Xasilooni ku dheehantey looga ciiday Gobolada,Degmooyinka iyo guud ahaan Deegaanada kala duwan ee Somaliland.

 

Munaasibada ciidal fidriga ayaa si wayn looga dabaal-degay dhamaan gobolada dalka iyo deegaanada kala duwan ee hoos yimaada, iyadoo dadweynahana ay tukashada salaada ciidal Fidriga ay kala qayb galeen masuuliyiinta kala duwan ee qaran Somaliland.