Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo U Ambo-Baxay Dalka Itoobiya

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Addis Ababa, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

md

Madaxweynaha iyo weftigiisa  ayuu safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah  la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.

dsaq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana magaalada Addis Ababa kaga biiraya wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa safarka madaxweynaha, kuwaas oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Ciise Keyd Maxamuud, Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Ergeyga gaarka ah ee Wadda hadallada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Adna Aadan Ismaaciil.

ujm1wsdsjkfdsdf

 

Category