Somaliland Oo Maanta laga Tukaday Salaad Roob-doon ah

Hargeysa(RH):-waxaa maanta gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland laga oogay salaad roob-doon ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda hargeysa  kala qaybgalay salaada Roob-doonta ah  oo lagu tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa,taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Salaaddan  Roob-doonta ah ayaa Eebbe lagaga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa markii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bulshada ugu baaqay inay isa saamaxaan, ducadana badsadaan.

Sheekh Albaani waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee dalka ka jira  iyo roob yaraanta.

 

Category