Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa gudoomiyey shir balaadhan oo muhiimad sare leh oo ay qayb ka ahaayeen 14 masuul oo isugu jira Wasiiro, Wasiir-Xigeeno, iyo Agaasimayaal Guud, ee Wasaaraddaha; Maaliyadda, Ganacsiga, Caafmaadka, Xanaanaha Xoolaha, Deegaanka, Cadaaladda iyo Boosaha.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Roobab dad iyo duunyo-ba lagu qabowsaday ayaa maanta galinkii dambe ka hoorey Caasimada Somaliland ee hargeysa iyo nawaaxigeeda .
Roobkani oo muddo kooban da’ayay ayaa bulshaweynta magaalada Hargeysi ay aad ugu diirsaddeen.
Maalmihii u danbeeyay waxaa jiray kuleyl, iyo biyo yaraan ka jiray qaar ka mida xaafaddaha magaalada Hargeysa.iyo deegaano kala duwan oo ka mid ah gobolada Somaliland.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson.
Hargeysa(RH):– Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa qaabishay waftigii uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Kayd, waxayna labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga ganacsiga, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.
Madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in Somaliland ay Taiwan u tahay albaab ay ka galayso Afrika, oo horseedi kara horumarka maalgashiga ay Taiwan rabto in ay ka fuliso qaarada Afrika, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ku taalo bogcad istaraatiji ah.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wakiilka cusub ee Dalka Ingiriisku dhawaan u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Lizzie Walker oo ay wehelinayaan saraakiil sar-sare oo ka socda xafiiska Uk uu ku leeyahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka itoobiya ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ay ka heleen ra’isul wasaaraha dalka itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Addis Ababa, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.
Hargeysa(RH):-Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa maanta qaraar ka soo-saartey murankii ka taagnaa dhaqangalka Xeerka Furista Ururada Siyaasada Somaliland ee Xeer Lr 14.
Maxkamaddu waxa ay ka garnaqday arjiga ku taariikhaysan 02/01/2022 ee ay Maxkamadda usoo gudbiyeen muwaadiniin ka kooban 24 xubnood ujeeddadiisuna tahay dacwad dastuuri ah oo ku saabsan dhaqangelinta Xeer Lr.14/2011 iyo furista ururrada siyaasada Jsl
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markale dib u magacaabay 14 masuul oo uu muddo 3 bilood iyo badh ka hor ah magacaabay, kadib markii shir’guddoonka golaha wakiilladu uu sheegay in ay muddo dhaaftay wakhtigii goluhu ansixin lahaa ee dastuuriga ahayd, dibna ugu celiyeen madaxweynaha.
Hargeysa(RH):-Shirkaddaha Opic Somaliland Corporation iyo Genel Energy ayaa wada gaadhay heshiis iskaashi oo shidaal lagaga soo-saarayo Somaliland.
Shirkadda Genel Energy oo muddo sannado ah ku sugnayd Somaliland ayaa samaysay sahamin shidaal oo kala duwan oo baaxad leh.
Pagination
- Page 1
- Next page