Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulamo kala duwan kula qaatay Safiirrada cusub ee Midawga Yurub, Amb. Tiina Intelmann iyo Dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo safarkoodii u horreeyey ku yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Hargeysa(RH):-Shirweynaha labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa  ka furmay maanta Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa,kaas oo ay ka soo qayb-geleen ergooyin tiradoodu ay dhantahay 1,300 (kun iyo saddex boqol oo ergay). Ergooyinka ayaa ka kala yimid gobollada iyo degmooyinka Somaliland, halka ay sidoo kale ka soo qayb galeen qurbejoog ka kala timid daafaha Dunida.

Hargeysa(RH):-Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegtay in sannadkan hablaha isku-diiwaan geliyay Jaamacadda Hargeysa ay ka badan yihiin tirada wiilsha.

Maamulka Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in 1,980 ardey oo u fadhiistay imtixaanka Jaamacadda , ay 1,035 ay yihiin hablo, halka 945 ay yihiin rag.

Madaxa imtixaanaadka Jaamacadda Hargeysa Cabdirashiid Gaaxnuug ayaa xusay in ardaydaasi isku-diiwaan geliyay ama u fadhiistay imtixaankii ay jaamacadda ku galilahaayeen ay  tirada soo baxdaa bilaabi doonaan 11-ka kuliyadood oo jaamacadaasi bixiso.

Nairobi(RH):-Weftigii ka socday Somaliland ee uu hoggaaminaayay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr.Ciise Keyd ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay waddamada bahwadaagta ah ee horumarinta caalamiga ah, siduu daabacay wargeyska The Star.

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada  Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa soo gebo-gabeeyay dood ay ku lafo gurayeen dhaqaalaha dalka iyo sidii bulshadu ay xoogga u saari lahayd tacabka waxsoosaarka ee Beeraha.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida ee Somaliland oo uu shirguddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi  Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood dheer ka yeesheen dhaqaalaha iyo wax-soosaarka beeraha ee dalka,  iyagoo soo jeediyay in dalagga waddanka xoogga la saaro si looga maarmo cuntooyinka waddanka dibaddiisa laga keeno.

Hargeysa (RH):-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey mooshinka darajo dalacsiinta Degmooyinka Caynabo, Taleex iyo Baligubadle.

Degmooyinkan, ayaa laga dhigay derejada B, iyaga oo markii hore ahaa C

fadhigan maanta ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka soo xaadirey 63 mudane ,waxaa ogolaaday 36 Xildhibaan, 22 mudane waxa ay u codeeyeen in laga doodo, lix mudanena waa ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu coddayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay mooshinka darajo dalacsiinta Degmooyinka Caynabo, Taleex iyo Baligubadle.

Hargaysa(RH):-Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golahaasi u soo gudbiyay mooshin la xidhiidha hab-raaca xil gudashadda haayadda Caymiska iyo fulinta go’aamadda maxkamadda sare.

Mooshinkaasi oo ay golaha u soo gudbiyeen 20 xildhibaan ayay u jeedadiisu tahay in ay goluhu soo saaraan go’aan golle oo la xidhiidha hab-raaca xil-gudashadda haayadda Caymiska qaranka iyo fulinta go’aanka maxkamadda sare.

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud , ayaa maanta xafiiska ku qaabilay danjiraha Taiwan u fadhiya Somaliland,   Amb. Allen C. Lou.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee  Somaliland, ayaa safiirka ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka socda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Taiwan Mr. Joseph Wu.