Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo Xilka qaadis, beddel iyo Magacaabid ah ku sameeyey qaar ka mida mas’uuliyiinta xukuumadda. Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ee Magaalada Hargeysa ayaa  u dhignayd: –

Hargaysa(RH):-Guddiga heer qaran ee maaraynta iyo ka hor taga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayaa ugu bulshadda ugu baaqay in ay ka feejignaadaan mawjadda saddexaad ee xanuunka Coronavirus oo si xawli ah u faafaya.

Xubnaha guddiga heer qaran ee maaraynta iyo ka hor taga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayaa uga digay bulshadda in ay ka taxadiraan faafintaanka xanuunkaasi Covid-19

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Cusub ee Golaha wakiillada Somaliland ayaa Maanta ansixiyay xeer hoosaadkii ay ku shaqayn lahaayeen Golahaasi,

Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay Kaabis iyo wax ka badel ay ku sameeyeen xeer hoosaadkii ay ku shaqayn jireen golihii iyaga ka horeeyay.

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baadhis ka bilowday Xarumaha Jaamacada Barwaaqo iyo Dugsiga Abaarso oo ay jiraan tuhuno muujinaya inay Xarumahaasi ka jiraan falal lidi ku ah Diinta  Islaamka.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada Somaliland  ayaa sheegay in baadhis lagu wado jamaacadahaasi madaama ay bulshadu ka biyo diiday .

Hargaysa(RH):-Waxaa Maanta Magaalada Hargeysa  lagu qabtey Shirka Heer Qaran ee Dardar-galinta Gurmadka Degdegga ah Xanuunka Korona-Fayras.

 

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa Shir-gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland. Cumar Cali Cabdilaahi Badde .

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan gudaha Cispitaalka guud ee Magaalada hargeysa ka hirgalisay dhismaha Xarunta caafimaadka gar-gaarka deg-dega ah.

 

Dhismaha   xaruntan  cusub ee gar-gaarka deg – dega ah ayaa ah goob u diyaarsan xaaladaha deg-dega ah ee xanuunnada sida Covid-19 oo kale ee u baahan goob gaar oo lagula tacaalo, looguna adeego bulshada xilliyaga adage ee ay dilaacaan xanuunnada faafa ama kuwa safmarka ah ee dalka soo mara.

Addis-Ababa(RH):-Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya, Degmawit Moges, ayaa sheegtay in casriyeynta lagu sameeyey Dekedda Berbera ay horumar dhaqaale u yeelanayso Somaliland, Itoobiya iyo Afrikaba.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya ayaa sidaas u sheegtay Telefishanka Qaranka Itoobiya, , waxaanay tilmaantay in hore loogu heshiiyey inay hal milyan oo Doolar ku kharash gareeyaan casriyeynta marsadda Berbera.

Hargeysa(RH):-Komishanka Xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada 35 Hablood oo mudo ku  xidhan Xabsiga Magaalada gabiley kuwaasi oo 26 June  laga soo xidh-xidhay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ilaa hadana aan Maxkamad la horgeyn.

Komishanka Xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa sheegay in hablahaasi ay ku xidhan yihiin goob cidhiidh ah .